Madaxweynaha Maamulka Somaliland oo cafis u fidisay Maxaabiis

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta munaasabadda Ciidul Fidriga awgeed cafis u fidiyay Maxaabiis tiro badan oo ku jirtay xabsiyada kala duwan ee Somaliland, kadib wareegto xafiiskiisa ka soo baxday.

Maxaabiista maanta la sii daayay oo tiro ahaan gaarayay 500 ayaa waxa ay u xirnaayeen dambiyo kala duwan, balse fudud.

Wareegtada ayaa waxa ay u qorneyd sidan:-

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad;

Markaan Arkay: Xeerka Ciqaabta Guud, Qodobkiisa 149aad;

Markaan Tixgaliyey: In Cafis Loo Fidiyo Maxaabiista Dembiyada Fudud Ku Xukuman, Munaasibaadda Ciidal Fidrida

awgeed ee sannadka 1439 ee Hijriyda, kuna beegan 2018;

Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso;

Waxaan Go’aansaday;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan cafis buuxa u fidiyo Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 511 (Shan Boqol iyo Kow iyo Toban) maxbuus.

Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga iyo raadka ciqaabeed ee ka dhashay dembiyadda ay ku xukunnaayeen, sida ku xusan qodobka 92 ee Xeerka Ciqaabta Guud.

Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista Wareegtadan ku lifaaqan.