Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa saaka si rasmi ah dalka ugu soo laabtay kaddib safar shaqo oo uu ku tegay Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, halkaasi oo uu kaga qayb-galay Shirkii Dawladaha Adduunka (World Governments Summit) ee ka qabsoomay magaalada Dubai.
Madaxweynaha ayaa shirkaasi ka qayb galay markii labaad oo xidhiidh ah, taas oo muujinaysa joogtaynta dadaallada Maamulka Somaliland uu ku xoojinayo xidhiidhka uu la leeyahay beesha caalamka iyo ka qayb-qaadashada madalaha heer caalami ee lagu gorfeeyo arrimaha horumarka, maamulka, iyo isbeddellada dunida.
Shirka Dawladaha Adduunka ayaa ah madal sannadle ah oo ay isugu yimaaddaan madaxda dowladaha, hay’adaha caalamiga ah, iyo hoggaamiyeyaasha ganacsiga, si ay uga wada hadlaan mustaqbalka dowladnimada, horumarinta dhaqaalaha, tiknoolajiyadda, iyo iskaashiga caalamiga ah. Ka qayb-galka Madaxweynaha Maamulka Somaliland ayaa la sheegay inuu ahaa mid leh ahmiyad istiraatiijiyadeed oo weyn, gaar ahaan dhinacyada diblomaasiyadda, maalgashiga, iskaashiga amniga, iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.
Intii uu ku sugnaa Dubai, Madaxweynaha ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay madax iyo masuuliyiin ka kala socday dowlado iyo shirkado caalami ah, kuwaas oo lagaga wada hadlay xoojinta iskaashiga, fursadaha maalgashi, iyo sidii Maamulka Somaliland uga faa’iidaysan lahaa isbeddellada dhaqaale ee ka socda gobolka iyo caalamkaba.
Safarka Madaxweynaha ayaa la tilmaamay inuu qayb ka yahay qorshaha xukuumadda ee ku aaddan ballaadhinta xidhiidhka dibadda iyo soo jiidashada maalgashi shisheeye oo gacan ka geysta kobaca dhaqaalaha iyo shaqo abuurka dalka.
Waxaa la filayaa in xukuumaddu ay faahfaahin dheeraad ah ka bixiso natiijooyinka iyo heshiisyada ka soo baxay safarkaasi maalmaha soo socda.