Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Galbeed oo ka qeyb galay lagu xusayey 35-guurada kasoo wareegtay markii ay Somaliland dib ula soo noqotay madaxbannaanideeda

Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Galbeed Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Ciro, ayaa ka qeyb galay munaasabad ballaaran oo lagu xusayey 35-guurada kasoo wareegtay markii ay Somaliland dib ula soo noqotay madaxbannaanideeda. Munaasabadda oo si heer sare ah loogu qabtay fagaaraha weyn ee dabaal-degga ee magaalada Hargeysa, ayaa waxaa kasoo qeyb galay madax sare oo dowladda ka tirsan, diblomaasiyiin, siyaasiyiin, marti sharaf caalami ah iyo kumannaan shacab ah oo isaga kala yimid gobollada kala duwan.

Madaxweynaha waxaa munaasabadda ku weheliyay madaxweyne-ku-xigeenka maamulka, shir-guddoonnada labada gole, guddoomiyaha maxkamadda sare, wasiirro, xildhibaanno, iyo qaar kamid ah madaxdii hore ee maamulkaasi soo maray. Sidoo kale, waxaa goobta joogay wufuud iyo marti sharaf ka socotay dalal kala duwan oo caalamka ah, kuwaas oo qeyb ka noqday xuska maalintan muhiimka ah.

Ciidamada kala duwan ee maamulka Waqooyi Galbeed Soomaaliya ayaa munaasabadda kusoo bandhigay dhoollatus ciidan, gaaddo-ka-ciyaar xirfadaysan iyo gaadiid ciidan oo casri ah, kuwaas oo soo jiitay indhaha shacabka fagaaraha buux dhaafiyey. Bandhigga ciidamada ayaa muujinayey heeganka, tababarka iyo awoodda ciidamada kala duwan ee maamulkaasi.

Waxaa sidoo kale munaasabadda hadallo ka jeediyey mas’uuliyiin kala duwan oo ka hadlay muhiimadda maalintan iyo marxaladihii kala duwanaa ee maamulkaasi soo maray muddadii 35-ka sano ahayd. Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulkaasi ayaa shacabka iyo ciidamada uga mahadceliyey doorkooda ku aaddan ilaalinta amniga, xasilloonida iyo wadajirka bulshada.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Ciro oo khudbad dhinacyo badan taabaneysay halkaasi ka jeediyey, ayaa shacabka ugu hambalyeeyey munaasabadda sanad-guurada 35-aad, isaga oo sheegay in maalintani ay astaan u tahay halgan, midnimo iyo dadaal dheer oo ay shacabkaasi soo mareen. Waxa uu tilmaamay in maamulkaasi uu guulo ka gaaray dhinacyada nabadda, dimuqraadiyadda iyo dhismaha hay’adaha dowladnimada.

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale fariin u diray beesha caalamka, isaga oo ugu baaqay inay tixgeliyaan rabitaanka shacabka iyo horumarka dhinacyada amniga iyo maamulka ee laga sameeyey deegaannadaasi. Waxa uu xusay in shacabka maamulkaasi ay sii wadi doonaan dadaallada ku aaddan horumarka, wadajirka iyo xasilloonida.

Dabaal-degga sanadkan ayaa noqday mid si weyn uga duwan kuwii hore, iyadoo waddooyinka magaalada Hargeysa ay buuxiyeen shacabka lulayey calamo isla markaana muujinayey dareen farxad iyo waddaniyad la xiriirta xuska sanad-guurada 35-aad.