Madaxweynaha Mudane Muuse Biixi, oo caawa kulan la qaatay qoyska Madaxweynihii hore ee Marxuum Axmed (Siilaanyo).

Madaxweynaha Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa caawa kulan la qaatay qoyska Marxuum Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo ahaa Madaxweynihii Afraad ee Somaliland. Madaxweyne Biixi ayaa ubadka Marxuumka la wadaagay dareen qoto dheer, isagoo xusay in qoysaska reer Siilaanyo iyo reer Biixi ay yihiin kuwo isku xiran, isla markaana wadaaga farxadda iyo murugada, isaga oo ballan qaaday inuu sii wadi doono kaalintii waalidnimo ee Marxuumku ku lahaa qoyska.

Intii kulanku socday, Madaxweynaha ayaa mar kale uga tacsiyadeeyey qoyska geerida Marxuum Axmed Siilaanyo, isagoo tilmaamay taariikhda ma-guurtada ah ee Marxuumku ku leeyahay raadinta madaxbaanida Somaliland iyo quluubta shacbiga.

Dhinacooda, qoyska Marxuumka ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha, shacbiga Somaliland, iyo dhammaan bulshada ku hadasha afka Soomaaliga, tacsidii iyo baroordiiqdii ay la wadaageen qoyska, iyagoo si gaar ah u xusay kuwa kala soo qaybgalay iyo kuwa hawada u soo mariyey tacsiyeeynta.