Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qayb-galay munaasabadda dabaal-degga sannad-guurada 82-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed (CBS), isaga oo hambalyo ballaaran u diray dhammaan Sarreeyaasha, Saraakiisha sare, Saraakiisha, Saraakiil-xigeennada, Kormeereyaasha, Alifleyda iyo Dableyda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu bogaadiyey Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed guulaha muuqda ee laga gaaray sugidda amniga guud ee dalka, dib-u-dhiska xarumaha Booliska iyo tayeynta iyo horumarinta awoodda ciidanka. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa faray Ciidanka Booliska in ay u diyaar garoobaan gudashada waajibaadkooda muhiimka ah ee la xiriira ilaalinta amniga doorashooyinka Qof iyo Codka ah ee ka dhici doona Gobolka Benaadir.
“Waxaan hambalyeynayaa shaqada wanaagsan ee Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay ku qabteen waqti kooban. Tan iyo markii la aas-aasay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed sanadkii 1943-dii, waxa uu door muhiim ah ka qaatay ilaalinta nafta, sharafta iyo hantida ummadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale u mahadceliyey dhammaan ragga iyo dumarka ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee naftooda u huray sugidda amniga dalka, isaga oo kula dardaarmay Saraakiisha iyo Askarta in ay waajibaadkooda u gutaan si waafaqsan dastuurka iyo qawaaniinta dalka, ayna si buuxda u ilaaliyaan xuquuqda, nafta, hantida iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa xusay in Sarkaal kasta lagula xisaabtami doono mas’uuliyadda shaqo ee loo igmaday.
Munaasabadda sanad-guurada 82-aad ee aasaaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qayb-galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno, Taliyeyaasha Ciidanka Qalabka Sida, Taliyayaashii hore ee Booliska, Danjirayaal iyo marti sharaf kale oo badan.
