Madaxweynaha Puntland oo Boosaaso Kula Shiray Saraakiisha Amniga

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga magaalada Boosaaso, ayaa maanta shir muhiim ah la yeeshay saraakiisha laamaha amniga iyo masuuliyiinta ku howlan hawlgallada ka socda buuraha Calmiskaad, iyadoo kulanka diiradda lagu saaray xaaladda guud ee amniga iyo dardargelinta wejiyada ugu dambeeya ee howlgalka ciribtirka kooxaha argagixisada.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Puntland, la-taliyeyaal Madaxweynaha, maamulka Gobolka Bari, saraakiisha ciidamada difaaca iyo booliiska, iyo saraakiisha hoggaaminaya howlgalka ka socda deegaannada Calmiskaad. Mas’uuliyiinta ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbixinno la xiriira halka uu marayo howlgalka, guulaha la gaaray iyo qorshayaasha lagu xaqiijinayo in gebi ahaanba laga ciribtiro kooxaha argagixisada ee ku dhuumaaleysanaya buuraha.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyay ciidamada ammaanka iyo dhammaan ciidamada ka qeyb qaadanaya howlgalka, isagoo ku ammaanay geesinimada iyo naf-hurnimada ay muujiyeen intii ay socdeen dagaallada lagula jiro kooxaha argagixisada. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in dowladdu ay ka go’an tahay sii wadista taageerada ciidamada ilaa laga xaqiijinayo amni buuxa iyo xasillooni waarta.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale faray saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka in la dardargeliyo wejiyada harsan ee hawlgalka, isla markaana la xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo in kooxaha argagixisada aysan dib ugu soo laaban goobaha laga saaray.

Kulanka waxaa sidoo kale lagu falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa amniga guud ee Gobolka Bari, gaar ahaan magaalada Boosaaso iyo deegaannada ku xeeran, iyadoo la isla gartay muhiimadda ay leedahay joogteynta hawlgallada amniga, kor u qaadidda wada-shaqeynta bulshada iyo ciidamada, iyo ilaalinta guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Madaxweynaha Puntland ayaa ugu dambeyn ku celiyay in amniga uu yahay mudnaanta koowaad ee dowladdiisa, isla markaana howlgalka Calmiskaad uu sii socon doono ilaa laga xaqiijinayo in dhammaan fariisimaha ay kooxaha hubeysan ku leeyihiin buurahaas laga saaro, si shacabka Puntland ay ugu noolaadaan nabad iyo xasillooni.