Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta goobjoog ka noqday Munaasabadda dhaarinta xubnaha Wasiirada Cusub ee Dowladda Puntland, oo ka dhacday Qasriga Madaxtooyada , waxaana dhaariyey Wasiirada Garsoore Siciid Axmed Faarax oo ka tirsan Maxkamadda sare ee Dowladda Puntland.
Xubnaha Wasiiradda: –
1. Waxaa Cabdirashiid Barkhad Warsame loo magacaabay wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha diinta.
2. Waxaa Cabdi Xirsi Cali Qarjab loo magacaabay wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo dimuqraadiyadda.
3. Waxaa Yuusuf Axmed Maxamuud (Barre Faatax) loo magacaabay wasiirka Wasaaradda qorsheynta, horumarinta dhaqaalaha iyo xiriirka caalamiga ah.
4. Waxaa Caydaruus Axmed Faarax Odey, loo magacaabay wasiirka Wasaaradda Deegaanka, daaqa iyo Isbedelka Cimilada.
5. Waxaa Farxaan Cali Xirsi loo magacaabay wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo isgaarsiinta.
6. Waxaa Cabdifataax Ugaas Yaasin loo magacaabay wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo garoomada.
7. Waxaa Cabdinaasir Yuusuf Xaaji Xirsi loo magacaabay wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta masiibooyinka.
Xubnaha Wasiir Ku-xigeenada :-
1. Waxaa Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR ta.
2. Waxa Eng Maxamed Cali Ismaaciil loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka badda.
3. Waxaa Bille Maxamuud Axmed (Qabowsade) loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta.
4. Waxaa Xassan Jaamac Ismaaciil loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Xanaanadda xoolaha.
5. Waxaa Cabdirashiid Cabdirisaaq Cabdi loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo khayraadka Badda.
Xubnaha Wasiiru Dowlayaasha :-
1. Waxaa Cabdiraxmaan Maxamuud Cismaan loo magacaabay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Hawlaha guud. Gaadiid iyo guriyeynta.
2. Waxaa Maxamed Maxamuud Cismaan (Arbac) loo magacaabay wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda.
3. Waxa Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan loo magacaabay Wasiiru dowlaha Wasaaradda qoryshaynta, horumarinta dhaqaalaha iyo xiriirka Caalamiga ah.
4. Waxaa Cali Maxamed Cismaan loo magacaabay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka.
5. Waxa Eng Maxamed Ciise Lacle loo magacaabay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Duulista Hawada iyo garoomada.
6. Waxaa Maxamed Cabdikaafi Maxamed loo magacaabay Wasiiru dowlaha Wasaaradda xanaanadda xoolaga.
7. Waxa Najiib Barkhad Warsame loo magacaabay wasiiru dowlaha Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta.
8. Waxa Mukhtaar Axmed Oday loo magacaabay wasiiru dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka cimilada.
9. Waxaa Axmed Ibraahim Cawaale (Biid) loo magacaabay Wasiiru dowlaha Wasaaradda ganacsiga, warshadha igo Maalgashiga.