Madaxweynaha Puntland oo imaaraadka Carabta uga mahad Celiyay teegeerada ay siiso Ciidamada Amaanka puntland

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dowladda Imaaradka Carabta waxa uu uga mahad celiyey ka qeyb qaadashada dhismaha ciidamo ka tirsan kuwa Puntland ee la-dagaalamay Kooxaha Burcad Badeed Soomaaliya iyo Al-Shabaab iyo Al-Shabaab.

“Imaaraadka Carabta runtii waxaa uu gacan weyn naga siisay sidii Puntland uga guulaysan lahayd burcad badeeda, sidoo kalena hadda ku jirta in ay ka guulaysato Shabaab iyo Daacish, waxaan si gaara ugu mahadnaqayaa dhamaan Dowladda Imaaraadka iyo shacabkeedaba” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Hadalkaan ayaa Madaxweyne Siciid Deni waxa uu sheegay xilli uu booqday Taliska Guud ee Ciidanka Badda Puntland ‘PMPF’ iyo dekedda Magaalada Boosaaso oo ay Gacanta ku heyso Dowladda Imaaraadka Carabta.

Dowladda Imaaraadka Carabta iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xilligaan ah kuwo aan wax xiriir ah ka dhaxeyn,waxaana ka dhaxeeyey khilaaf sababay in Imaaraadka ay joojiso taageerada ay siin jirtay Ciidamada Dowladda,isla markaana ay dalka kala baxday Saraakiishii ka joogtay.