Madaxweynaha Puntland Oo Ka Hadlay Dilka Madaxii DP World

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyey geerida maamulihii dekedda Boosaaso ee Shirkadda Mr. Paul Anthony Farmosa oo saaka subaxnimadii dil loogu geystey Magaalada Boosaaso.

Madaxweyanaha Puntland ayaa uga tacsiyey gaarida Paul Anthony Farmosa shirkadda P&O iyo shacabka Dalka Talyaaniga, Dalka Imaaraadka oo shirkadda lagaleeyahay, eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodey iyo dhammaan ummaadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa xaqiijiyey in talaabo sharci ah laga qaadidoona cid kasta oo lug ku yeelata falkani foosha xun, waxaa uu Madaxweynuhu shacabka Puntland ku booriyey in ay la shaqeyan laamaha amniga Puntland si looga hortago falalka amniga lidiga ku ah.

Dhinaca kale Madaxweyne Deni ayaa cadeeyey in Al-shabaab, daacish iyo cid kasta oo cilaaqaad laleh ay mutaysandoonaan ciqaab adag oo aan naxariis lahayn, isla markaana waxa uu faray Ciidamada Puntland meelkasta oo ay joogaan inay heegan u galaan sidii ay dalkooda iyo dadkoodaba u ilaalin lahaayeen.

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada weerarkii saakay lagu dilay Madaxii Shirkadda DP World ee dekadda Boosaaso ee Paul Anthony Farmosa.