Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Taliyeyaasha Ciidamada Gaarka ah ee dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska u qaabilsan Bariga Afrika, kuwaas oo kala ah Col. Ryan Flaherty iyo Col. Rich Grover, kuwaas oo ay weheliyeen saraakiil sare oo ka tirsan labada dhinac.
Kulankan ayaa si qoto dheer loogaga wada-hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray amniga, xasilinta deegaannada, iyo la dagaallanka kooxaha Argagixisada, gaar ahaan Daacish. Waxaa sidoo kale si faahfaahsan looga hadlay guulaha wax-ku-oolka ah ee laga gaaray hawlgallada gebagebada maraya ee Argagixisada Daacish looga sifeynayo Buuraleyda Calmiskaad, kuwaas oo ay hoggaaminayaan Ciidamada Ammaanka Puntland, iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah.
Intii uu socday kulanka, waxaa la adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga amni ee u dhexeeya Dowladda Puntland iyo saaxiibada caalamiga ah, gaar ahaan dhinacyada tababarrada, la-tashiga farsamo, is-weydaarsiga xogta sirdoonka, iyo taageerada hawlgallada ka dhanka ah Argagixisada, si loo xaqiijiyo amni waara iyo xasillooni guud oo ka hirgasha gobolka iyo dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa uga mahadceliyay Dowladaha Maraykanka iyo Ingiriiska taageerada joogtada ah ee ay siiyeen Dowladda iyo Shacabka Puntland, gaar ahaan doorkii ay ka qaateen guuleysiga Hawlgalka Calmiskaad, isagoo xusay in iskaashigan uu yahay mid saldhig u ah ciribtirka Argagixisada iyo sugidda amniga mustaqbalka.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeybgalay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan, iyo Wakiilka Arrimaha Siyaasadda iyo Xiriirka Caalamka, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, kuwaas oo door muhiim ah ka qaatay falanqaynta arrimaha siyaasadeed iyo xiriirka caalamiga ah ee la xiriira hawlgallada amniga.