Madaxweynaha Puntland Oo laamaha Amanka faray in ay gacanta ku soo dhigaan kooxihii kadan beeyay dilka gabar 12 jir ah

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si kulul waxa uu kaga hadlay kufsigii iyo dilkii Magalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug loogu geystay Caaisho Ilyaas Aadan oo aheyd Gabar 12 jir ah.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in, iyada oo deegaanada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya ay ka socdaan horumaro hadana ay dhacayaan dhacdooyin layaab leh oo aad looga naxo oo ay ka mid tahay dhacdadii lagu dilay Caaisho Ilyaas Aadan.

Waxa uu sheegay in dadka falkaas geysanaya ay yihiin dadkii lagu tuhmayey aqoonta,hayeeshee ay ahaayeen dhalinyaro isticmaalay waxyaabaha maanka dooriyo oo ku qasbay inay wixii ay doonaan sameeyaan.

Waxa uu faray laamaha amniga Puntland inay jawaab deg deg ah ka bixiyaan kufsiga iyo dilka lagula kacay Gabadha yar ee 12 jirka aheyd,sidoo kalena ay tallaabo ka qaadaan dadkii ka dambeeyey.

Caaisho Ilyaas Aadan oo aheyd Ardayada 12 jir ah ayaa saacado ay hoygooda ka maqneyd kadib waxaa habeen ka hor meydkeeda la dhigay afafaaka hore ee Gurigooda oo ku yaalla Waqooyiga Magalada Gaalkacyo ee Puntland,waxaana la sheegay in dilka ka hor kufsi loo geystay.