Madaxweynaha Puntland Oo lakulmay Ergayga Midowga Europe ee Soomaaliya

Madaxweynaha  Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Ergayga Midowga Europe uu dhowaan usoo magacaabay Soomaaliya Ambassador Nicolas Berlanga Martinez iyo Wafdi uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin ku xigeenkiisa Fulgencio Garrido Ruiz oo hadda xafiiska baneenaya iyo Masuuliyiin kale.

Kulanka ay yeesheen Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Ergayga Midowga Europe Ambassador Martinez, waxaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya gaar ahaan Puntland sida Amniga, Siyaasada, Mashaariicda Horumarineed ee Midowga Europe ka fuliyo Puntland iyo arrimaha bani’aadantinimada.

“Waxaan Puntland hadaan nahay u sheegnay una cadeynay inaan marwalba diyaar unahay inaan qeyb libaax-leh ka qaadano dib-udhiska Soomaaliya, ku dhisan Midnimadii Soomaaliya, ku dhisan Nidaamka Federaaliga ah ee ay qaadatay. Waxaan marwalbo rajeynaynaa in Puntland doorkeedu uu caddaado, dadkeeda ay u adeegto, Soomaaliya ay ka qeybqaadato sidii horumar waara ay u gaari lahayd oo ku dhisan Nidaam iyo Sharci, iyadoo la tixgelinayo marxaladaha Siyaasadeed ee hada la marayo, Waxaan rajeynaynaa in muddada uu joogo uu qeyb ka qaadan doono dhismaha Siyaasada, Amniga iyo dhaqaalaha dalka Soomaaliya” Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Ergayga Midowga Europe ee Soomaaliya Ambassador Nicolas Berlanga Martinez ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Puntland soo dhoweynta, Wafdiga Midowga Europe ka socda ayaa inta ay socdaalka ku joogaan Garoowe, waxaa ay kulamo la qaadanayaan Wasaaraddaha Maaliyadda iyo Qorsheynta oo ay kala hadli doonaan Mashaariicda socda ee Midowga Europe fulinayo iyo kuwa cusub ee la qorsheynayo.