Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Luagatoor, ayaa maanta xarunta Madaxtooyada kulan wadatashi iyo is-xogwareysi ah kula qaatay haldoorka Puntland ee ku sugan caasimada Garoowe.
Waxaa kulanka looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, dhinacyada Amniga iyo Siyaasadda, iyo doorka Puntland ee Dowladd dhiska Soomaaliya, iyadoo sidoo kale laga hadlay isbedelada sida xowliga ah uga socda Gobolka.
Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo wadatashi oo Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, ay la yeellanayaan Goleyaasha Dowladda , Siyaasiyiinta, Haldoorka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada si aragtida iyo tallooyinka kulamadaasi Kasoo baxa loogu saleeyo go’aamada masiiriga ah ee Dowladda Puntland ee ku saabsan marxaladda dalku marayo.