Madaxweynaha Puntland oo Magacaabay Gudiga Amniga Doorashada..

Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa Magacaabay Gudiga Dhowr ah Kuwaasi oo loo xil saaray Amniga Doorashada Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne oo lambarkiisu yahay Lr. 68 ee 12-da December 2023 kuna saabsan Guddiga Amniga Doorashada.
Madaxweynaha Dawladda Puntland

Saciid Deni Ayaa Qoraalka Madaxtooyada Kasoo Baxay Ku magacabay Gudigaan Oo ka kooban 7 Xubnood Kuwaasi oo Loo Xil saaray Arimaha Doorashada Puntland

Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu Yiri
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Goboleedka Puntland Qodobkiis 80-aad
Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda, iyo waayo-aragnimadooda.
Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo in la adkeeyo ammaanka mudada doorashadu socoto.
Wuxuu xeeriyey:

Waxaa loo magacaabay Guddiga Amniga Doorashooyinka xubnaha hoos ku xusan oo kala ah:-
1.⁠ ⁠Wasiir Ibraahim Cartan Xaaji Bakiin (Guddoomiye)

2.⁠ ⁠Lataliye Cabdi Xirsi Cali Qarjab (Xubin)

3.⁠ ⁠S/guuto Muumin Cabdi Shire (Xubin)

4.⁠ ⁠S/guuto Aadan Cabdi Xaashi (Xubin)

5.⁠ ⁠S/guuto Saxardiid Maxamed Axmed (Colow) (Xubin)

6.⁠ ⁠S/guuto Jamaal Carab Yuusuf (Xubin)

7.⁠ ⁠S/gaas Muxiyadiin Axmed Muuse (Xubin)
Qoraalka Ayaa lasii Raaciyay
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.”