Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Wasiiro.

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku dhawaaqay Golahiisa Wasiirrada ee cusub, kuwaas oo tiradooda ay gaaray 21 xubnood, ka dib markii uu warbaahinta la wadaagay Afhayeenkiisa Jaamac Dabraani.

Deni ayaa magacaabay Wasiirrada oo kaliya waxaana laga dhawrsugaya in uu soo magacaabo Wasiir ku xigeennada iyo Wasiir dowlayaasha, kuwaas oo uu dib u dhigay. Wasiirradaan cusub waxaa ka soo muuqday qaar ka mid ah saaxiibadiisa doorashada, waxaana dib u soo laabtay Wasiirkii arrimaha gudaha Juxa.

  1. Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta Maxamed Cabdiwahaab Axmed (waa soo laabtay)
  2. Wasiirka Amniga Ibraahim Cartan Ismaaciil Xaaji Bakiin ( waa soo laabtay)
  3. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka: Cabdi Faarax Siciid Juxa (waa soo laabtay)
  4. Wasiirka Maaliyadda Maxamed Faarax Maxamuud
  5. Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Daa’uud Maxamed Cumar
  6. Wasiirka Waxbarashada Fu’aad Abshir Axmed Adeer.
  7. Wasiirka Caafimaadka Siciid Jaamac Cali (Qoorsheel).
  8. Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Faarax Cawad Jaamac.
  9. Wasiirka Wasaaradda Dekedaha Shaakir Maxamed Guuleed.
  10. Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Cabdullaahi Bile Nuur.
  11. Wasiirka Haweenka Maryan Axmed Cali.
  12. Wasiirka Warfaafinta Maxamuud Caydiid Dirir.
  13. Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Axmed Shire Siciid.
  14. Wasiirka Xannaanada Xoolaha Cumar Cabdisamad Yuusuf Dhuux.
  15. Wasiirka Degaanka iyo Isbeddelka Cimilada Maxamed Cabdiraxmaan Faroole.
  16. Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga Cabdirisaaq Cabdullaahi Xagaa.
  17. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle Habar-waa.
  18. Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Liibaan Muuse Cismaan
  19. Wasiirka Gargaarka Ubax Cabdirashiid Maxamed Xirsi.
  20. Wasiirka Beeraha Maxamed Cabdiqaadir Saalax.
  21. Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Hodon Siciid Xasan.