Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay dhismaha cusub ee Xarunta Garsoorka ee Gobolka Mudug, taas oo qayb ka ah dadaallada dowladda Puntland ee lagu xoojinayo hufnaanta garsoorka, ilaalinta cadaaladda, iyo horumarinta adeegyada bulshada ee gobolka.
Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Puntland, saraakiil ka tirsan garsoorka, bulshada gobolka Mudug, iyo marti sharaf kale. Madaxweynaha ayaa ku boorriyay dhammaan hay’adaha garsoorka in ay ka shaqeeyaan hufnaan, cadaalad, iyo adeeg wanaagsan oo loogu talagalay shacabka.
Mudane Deni ayaa intaa ku daray in xaruntan cusub ay qayb muhiim ah ka tahay qorshaha dowladda ee lagu xoojinayo garsoorka iyo awood-siinta hay’adaha sharciga, iyadoo la hubinayo in shacabka Gobolka Mudug ay helaan adeegyo garsoor oo casri ah, hufan, isla markaana u dhow baahiyahooda.
Xarunta cusub ee Garsoorka ee Gobolka Mudug ayaa sidoo kale la filayaa in ay kaalin weyn ka qaadato xoojinta nabadda, cadaaladda bulshada, iyo taageeridda horumarka guud ee gobolka, iyadoo sare u qaadeysa kalsoonida shacabka ee hay’adaha garsoorka.
Madaxweynaha Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ballan qaaday in dowladda ay sii wadi doonto dhismaha iyo casriyeynta xarumaha muhiimka ah ee adeegyada bulshada, gaar ahaan kuwa garsoorka, si loo xaqiijiyo nidaam dowladeed oo hufan oo ka turjumaya ujeedooyinka Puntland ee horumarinta bulshada iyo ilaalinta sharciga.