Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni Oo kormeer shaqo ku tegey cisbitaalka weyn Ee Magaalada Garowe

Madaxweynaha Puntland ayaa kormeeray dhammaan qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay cisbitaalku, Isla markaana waxa uu booqday muwaadiniin ugu jira cisbitaalka xaalad caafimaad, isagoona mid mid uga xog warsaday maamulka cisbitaalka xaaladda caafimaad ee shacabkaasi, waxaana uu ugu danbayn Madaxweynuhu la qaatay kulan gaar ah masuuliyiinta cisbitaalka iyo Wasaaradda Caafimaadka.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr. Faarax Jaamac Xasan ayaa ka warbixiyey Kormeerka Madaxweynaha Puntland uu maanta ku tegey cisbitaalka weyn ee caasimadda Puntland.

“Maanta oo ay taariikhdu tahay Maarso 03 2019 waxaa cisbitaalka weyn ee Caasimadda Garoowe nagu soo booqday Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Kormeerka Madaxweynaha ayaa muhiimaddiisu ahayd u kuurgalka xaaladda cisbitaalka, runtii Kormeerkaasi si wanaagsan ayuu u qabsoomay, waxaanu cisbitaalka ugu tagnay shaqaale aad u dedaalaya”

Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maamulka iyo shaqaalaha cisbitaalka kula dardaarmay inay dardargeliyaan shaqooyinka baaxaddale ee ay u hayaan shacabkooda, Isla markaana waxa uu Madaxweynuhu ku adkeeyey dhakhaatiirta iyo maamulkaba inay masuuliyad gaara iska saaraan shacabka rayid ka ah ee u baahan daryeelidda xaaladdooda caafimaad.