Madaxweynaha Somaalia oo Jabuuti uga sii gudbay Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa booqasho laba maalmood qaadatay uga sii gudbay magaalada Ankara ee dalka Turkiga, kaddib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa, Recep Tayyip Erdogan.

Barta Twitter-ka ee Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa lagu baahiyey in Madaxweyne Farmaajo uu u duulay Turkiga, maadaama lagu casuumay in uu ka qayb galo shirweynaha Lixaad ee xisbiga talada dalkaas haya ee AK Party, kaas oo furmi doona maalinta berri ah ee ay taariikhdu ku beegan tahay 18-ka August.

Villa Somalia ayaa sidoo kale baahisay in Madaxweyne (Farmaajo) muddada uu dalka Turkiga ku sugan yahay uu la kulmi doono Madaxweynaha Turkiga, iyagoo ka wada hadli doona sida qorshaha uu yhay arrimo ay ugu muhiimsan tahay xoojinta xiriirka labada dal.

Barta Twitter-ka ee Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in labada Madaxweyne ay ka wada hadli doonaan iskaashiga dhaqaalaha, ammaanka, horumarinta ganacsiga iyo maalgashiga.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa dalka Turkiga tagay bishii ee July, xilligaasi oo uu ka qeyb galay caleema saarka Madaxweyne Erdogan oo dhamaadkii bishii June dib loo doortay.