Madaxweynaha Somaaliya Oo Gaaray magaalada beledweyne

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhow gaaray Magaalada Beledweyne xarunta gobolka Hiiraan.

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Beledweyne ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Madaxweynaha ayaa booqon doona goobihii uu saameeyay Wabiga Shabeelle .

Sidoo kale madaxweynah ayaa booqan doona dadkii kabarakacay Fatahaada webiga shabeelle ee maglada beledweyne ee xarunta gobolkaasi hiiraan.

 Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ka taagan Xaalad Adag, waxaana barakacay dhammaan dadkii ku sugnaa Magaalada Baledweyne.