Madaxweynaha Somaaliya Oo Ka Baaqsaday Ka Qeyb Galka Shirweynaha 31-Aad Ee Madaxda Dalalka Afrika

Warar ay heshay warbaahinta ayaa sheegaya inuu Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo ka qeyb geli doonin Shirka caadiga ee Hoggaamiyayaasha dalalka Afrika oo lagu wado inuu ka furmo caasimadda dalka Mauritania ee Nawakshoot (Nouakchott).

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegeen inuu Madaxweyne Farmaajo ka baaqday Shirweynahaasi sababo la xiriira Munaasabadda Is-raaca Goballadda Waqooyi iyo Koonfureed iyo Maalinta Xorriyadda Somalia ee 1-da Luulyo oo berrito loo dabaal degi doono.

Shir Madaxeedka Hoggaamiyayaasha Afrika ee maanta ka furmayo caasimadda  dalka Mauratania ee Nawakshotwaxa uu socon doonaa ilaa maalinta Isniinta ee soo socota oo ay taariikhdu tahay 2-da bisha Luulyo.

Shirka Madaxeedka Hoggaamiyayaasha Afrika maanta uga furmi doona caasimadda dalak Mauratania waxay kaga wada hadli doonaan Heshiiskii Nabadda ee ay Madaxweynaha dalak South Sudan, Silva Kiir iyo Hoggaamiyaha Mucaaradka, Riek Machar isbuucii hore ku kala saxiixdeen Caasimadda dalka Sudan ee Khartoum.

Madaxweynaha dalka Ruwanda, ahna Guddoomiyaha sannadkan ee Ururka Midowga Afrika, Paul Kigambe waxa uu shalay gaaray caasimadda dalka Mauratania ee Nawakshot, isagoo Kulan hordhac ah la qaatay Madaxweynaha dalkaasi, Maxamed Walad C/casiis.