Madaxweynaha Somaaliya oo ka hadlay Shirka Shidaalka Soomaaliya ee London

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa  ka hadlay Shirka looga hadlaayo suuqgeynta Shidaalka Soomaaliya ee goor dhow ka furmay Magaalada London ee Caasimadda UK.

Waxaa uu sheegay in Shirkaasi uu yahay Bandhig Carweed dowladda dhexe ee Soomaaliya ay  kusoo bandhigeyso qorshaha Shidaalka Soomaaliya.

Waxaa uu xusay in shirkaan uu  yahay xog Arruurin ay sameysay dowladdii uu hoggaamin jiray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Farmaajo ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in dalka Shidaal looga saaro Muddo 10 sano Gudahood ah.