Madaxweynaha Somaaliya Oo Katacsiyeeyay Geeridii Kutimid Danjire, Mohamed Sheikh Hassan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Qoyskii Eheladii, asxaabtii iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allah u naxariistee Danjire, Mohamed Sheikh Hassan Osman oo xalay taariikhdu ay ku beegnayd May 17, 2018 ku geeriyooday Magaalada Cajmaan ee Dalka Isutagga Imaaraatka Carabta.

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Alle uga baryey Marxuumka inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, wuxuuna  eheladiiii, asxaabti iyo qaraabadii uu ka tagayna Rabbi ugu baryay inuu samir iyo iimaan ballaaran ka siiyo.

Ambassador Mohamed Sheikh Hassan Osman ayaa kahor gobonnimada Soomaaliya, waxa uu ahaa Xoghayaha gaarka ah ee Wasiirkii Talyaaniga uga wakiilka ahaa Soomaaliya, isagoo heerkiisa aqooneed iyo xirfadeed si aad ah uga bartay gumeystihii xilligaasi dalka gacanta ku hayay.

Marxuum Maxamed Sheekh Xasan Cusmaan waxa uu ka mid ahaa lixdii safiir ee ugu horreysay ee gobollada Waqooyi iyo Koonfur laga kala xulay oo  Soomaaliya u matalay dal dibadeed.

Sidoo kale intii u dhexeysay 1960-1965, waxa uu ahaa Danjirihii Soomaaliya ee dalka Talyaaniga, isagoo noqday Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaali ah oo dalkaasi loo wakiisho.