Madaxweynaha Somaaliya Oo khudbad ka jeediyay shirkii Jaamacadda Carabta

Madaxda wadamada ku bahoobay ururka Jaamacadda Carabta mara laga reebo Lix Madaxweyne oo uu ku jiro Amiirka Qadar ayaa xalay kulankii 29-aad ururka ugu soo gaba gaboobay dalka Sacuudiga.

Dhammaadkii shirkan ayaa waxaa laga soo saaray Warmurtiyeed lagu soo hadal qaaday Soomaaliya oo kulankaasi uu uga qeyb galayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

Doiwladaha Carabta ayaa isku raacay in la dardar geliyo dadaalada lagu doonayo in xal siyaasadeed lagu dhameyo xiisada ka aloolsan dalka Siiriya, waxayn si weynu cambaareeyeen hubka Kiimikada ah ee loo adeegsaday rayidka.

War-muriyeedka shirka ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa in Dowladaha Carabta ay sii wadaan taageerada ay siiyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, si ay uga guuleysato ururka Al-shabaab.

“Taageerada Dowladaha Carabta ee dib u dhiska Hay’adaha Soomaaliya waxay ahaanayaan mid joogto ah, si Soomaalida ay uga guuleystaan caqabadaha dhaqaalaha oo ay la daalaadhacayaan.” Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay ururka Jaamacadda Carabta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa ka hadlay horumarka Soomaaliya ay ku talaabsatay, wuxuuna Caalamka weydiistay in la fuliyo taageerada shirarka Jaamacadda Carabta loogu balan qaaday Soomaaliya.