Madaxweynaha Somaaliya oo ku sii jeeda Addis Ababa

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta ku wajahan magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, halkaasi oo uu kaga qeyb gali doono Shirka Urur goboleedka IGAD.

Shirka Urur goboleedka IGAD ayaa ka duwan Shirarkii hore, waxaana lagu waddaa in maanta uu ka qeyb galo Madaxweynaha Eritrea, islamarkaana lagu ansixiyo xubinimada dowladda Eritrea ee IGAD.

Waxaa lagu waddaa in Shirka lagu falanqeeyo Is bedellada ka dhacay Gobolka iyo dib u heshiisiinta dowladaha Eritrea iyo Itoobiya oo dib u soo celiyay xiriirkooda diblomaasiga ahaa.

Dowladda Eritrea ayaa laga saaray xubinimada urur Goboleedka IGAD Sanadkii 2007-dii.