Madaxweynaha Somaaliya oo la kulmay kaaliyaha Xoghayaha QM u qaabilsan arrimaha siyaasadda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uu qaabilsan arrimaha siyaasadda Rosemary dicalro oo uu wehliyey ergeyga QM ee Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo iyo Rosemary Dicalro, ayaa ka wada hadlay dadaalada dowladda Soomaaliya ay ka wado dhinacyada ammaanka, dhaqaalaha iyo Siyaasadda oo uu Madaxweynaha dalka uu la wadaagay wafdiga ka socday QM.

Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha siyaasadda Rosemary Dicalro ayaa sheegtay in dawladda Soomaaliya ay sameysay horumar muuqda, waxaana ay ballan qaaday Qaramada Midoobay in ay sii wadi doonto taageerada Soomaaliya.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan halkan joogo, waa booqashadeydi ugu horeysay tan iyo markii aan noqday  Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha siyaasadda, waxaan halkan u imid inaan muujiyo sida Soomaaliya ay muhiim ugu tahay Qaramada Midoobay, waxaan wada hadalo wanaagsan la yeelanay Madaxweynaha Soomaaliya, kaas oo aan uga hadalnay arrimaha Dastuurka, Nabadda iyo shirkii Golaha Amniga Qaranka.” Ayay tiri Rosemary Dicalro.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay xoogga saartay arrimo muhiim ah oo ay ku jirto horumarinta siyaasadda, taasi oo ay ugu dambeysay shirkii Baydhabo ay ku yeesheehn Golaha amniga Qaranka.