Madaxweynaha Somaaliya oo Mar labaad tagaya Eritrea

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan dalka Shiinaha ayaa la filayaa in Saacadaha soo socda uu markii labaad tago Magalada Asmara ee Caasimadda dalka Eritrea.

Dhammaadkii Bishii July ayuu booqasho ku tegay Madaxweyne Farmaajo,isaga oo xilligaas la kulmay Madaxweynaha dalka Eritrea Afawerki oo hadda ay ku wada sugan yihiin dalka Shiinaha.

Gelinkii dambe ee Maanta ayaa la filayaa in Magalada Asmara uu tago Madaxweyne Farmaajo sida uu bartiisa twitter-ka uu ku shaaciyey Wasiirka Warfaafinta Eritrea Yemane Meskel oo ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Bishii July markii uu tegay dalka Eritrea waxaa aad uga carooday Dowladda Jabuuti oo dagaal uu kala dhaxeeyo Eritrea,waxana Madaxweynaha Soomaaliya uu Jabuuti u tegay xalinta arrintaas.

Sidoo kale Wararka ay Dalsan heleyso ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu booqasho kale ku tago dalka Jabuuti,iyada oo dowladda Soomaaliya ay dhex dhexaadineyso Dowladaha Jabuuti iyo Eritrea.