Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo Dallacsiiyey 525 Sarkaal oo ka tirsan Booliska

Madaxweynaha maamulka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa dallacsiiyey 525 sarkaal oo ka tirsan ciidamada Booliska Somaliland, taas oo lagu tilmaamay inay tahay dallacsiintii ugu ballaarneyd ee uu sameeyo tan iyo markii uu xilka la wareegay.

Saraakiisha la dallacsiiyey ayaa u badan dhallinyaro ka tirsan ciidamada Booliska, kuwaas oo la filayo inay door muhiim ah ka qaataan tayeynta iyo casriyeynta howlaha ciidanka. Dallacsiintan ayaa sidoo kale loo arkaa mid lagu xoojinayo hannaanka hoggaamineed ee ciidamada Booliska Somaliland, si loo kordhiyo waxtarka iyo aqoonta gudaha ciidanka.

Madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa tilmaamay in tallaabadani ay qayb ka tahay dadaallada lagu horumarinayo awoodda ciidanka Booliska, isla markaana lagu dhiirrigelinayo saraakiisha dhallinyarada ah ee kusoo biiraya safka hore ee sugidda amniga iyo ilaalinta xasilloonida gudaha Somaliland.

Saraakiishan la dallacsiiyey ayaa la filayaa inay ku soo kordhiyaan ciidanka khibrad, firfircooni iyo aqoon cusub, taas oo gacan ka geysan doonta horumarinta adeegyada amniga iyo tayeynta guud ee ciidamada Booliska maamulka Somaliland.