Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo weftigii uu hoggaaminayey ayaa maanta si nabad ah ugu soo laabtay dalka, kaddib safar shaqo oo taariikhi ah oo uu ku tagay magaalada Davos ee Switzerland, halkaas oo uu kaga qayb galay Shirka Sannadlaha ah ee Madasha Dhaqaalaha Adduunka (WEF), oo ay isugu yimaaddaan hoggaamiyeyaal caalami ah, siyaasiyiin, diblomaasiyiin iyo ganacsato heer caalami ah.
Intii uu ku sugnaa Davos, Madaxweynaha waxa uu si xeel dheer, aragti fog iyo garasho istiraatiiji ah ugu soo bandhigay madal ay fadhiyeen madax caalami ah iyo maalgashadeyaal waaweyn qaddiyadda Somaliland, isaga oo caddeeyey xaqa sharci, taariikheed iyo mid siyaasadeed ee ay Somaliland u leedahay in ay noqoto qaran madax-bannaan oo ka mid ah Beesha Caalamka.
Madaxweynaha waxa uu halkaas ka jeediyey dood gar-naqsi ah oo uu ku faahfaahiyey guulaha ay Somaliland muddo ka badan 34 sano ka gaadhay dhismaha dawladnimo ku salaysan nabad, xasillooni, dimuqraadiyad, dawlad-wanaag iyo ku dhaqanka sharciga, isaga oo carrabka ku adkeeyey in Somaliland tahay dal si buuxda ugu qalma aqoonsi caalami ah iyo ka mid noqoshada Beesha Caalamka.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa soo bandhigay fursadaha maalgashi ee ka jira Somaliland, gaar ahaan dhinacyada beeraha, xoolaha ganacsiga, macdanta, tamarta, khayraadka dabiiciga ah, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo isku-xidhka ganacsiga goboleed, isaga oo adkeeyey in Somaliland tahay dal ammaan ah, la isku hallayn karo, una furan iskaashi dhaqaale oo waara.
Intii uu ku sugnaa Davos, Madaxweynaha waxa uu kulammo iyo wada-xaajood la yeeshay hoggaamiyeyaal, madax iyo hay’ado caalami ah, taas oo xoojisay sumcadda Somaliland ee masraxyada caalamiga ah. Waxa uu mar kale caddeeyey in Somaliland aanay codsanayn gargaar iyo gacan-hoorsi, balse ay dalbanayso aqoonsi, ixtiraam iyo iskaashi ku dhisan dano-wadaag, nabad iyo horumar, isla markaana ay diyaar u tahay in ay door wax-ku-ool ah ka qaadato xasilloonida, ganacsiga iyo amniga Geeska Afrika iyo Badda Cas.