Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Masar, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Mudane Maxamed Axmed Al-Yamaahi.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xiriirka dhow ee Soomaaliya iyo Baarlamaanka Carabta. Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Guddoomiye Al-Yamaahi kaalinta muuqata ee Baarlamaanka Carabtu ku leeyahay taageerada dowladnimada, midnimada, iyo madaxbannaanida Soomaaliya, kuwaas oo ay si joogto ah ugu soo bandhigaan fagaarayaasha heer gobol iyo heer caalami.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay dowladda Soomaaliya in la xoojiyo wada-shaqeynta Soomaaliya iyo Baarlamaanka Carabta. Wuxuu hoosta ka xarriiqay muhiimadda isdhaafsiga khibradaha iyo mideynta mowqifyada heer Carbeed ee ku saabsan arrimaha caalamka.
Dhankiisa, Guddoomiye Maxamed Axmed Al-Yamaahi ayaa bogaadiyay wada-shaqeynta joogtada ah ee Soomaaliya iyo dalalka Carabta. Waxa uu sidoo kale ammaanay aragtida istiraatiijiga ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku hoggaaminayo dalka, gaar ahaan dhinacyada la dagaallanka argagixisada iyo diyaarinta doorashooyinka soo socda.