Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi ganacsato iyo maalgashadayaal ah oo ka socday dalka Talyaaniga, kuwaas oo Muqdisho u yimid ka qeybgalka shir ku saabsanaa iskaashiga ganacsiga iyo maalgashiga ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga.
Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Danjiraha Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya, waxaana diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka dhaqaale iyo kobcinta iskaashiga ganacsi ee labada dal. Wafdiga Talyaaniga ayaa ka koobnaa maamulayaal shirkado ganacsi, warshado waaweyn iyo maalqabeenno daneynaya fursadaha maalgashi ee Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wafdiga ku bogaadiyay booqashadooda dalka, isagoo xusay in Soomaaliya ay ku tallaabsanayso isbeddel ballaaran oo dhanka amniga, dib u dhiska dhaqaalaha iyo abuurista jawi ku habboon maalgashiga caalamiga ah. Wuxuu ganacsatada ku dhiirrigeliyay inay si dhow uga faa’iideystaan fursadaha maalgashi ee dalka ka jira, gaar ahaan dhinacyada kaabeyaasha dhaqaalaha, tamarta, kalluumeysiga, beeraha, warshadaha iyo adeegyada bulshada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso soo jiidashada maalgashiga shisheeye, si loo abuuro shaqooyin, loo kobciyo dhaqaalaha loona xoojiyo horumarka dalka.
Dhankooda, wafdiga ganacsatada iyo maalgashadeyaasha ka socday Talyaaniga ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay soo dhoweynta diirran iyo fursadda qaabilaadda ah ee la siiyay, iyagoo muujiyay xiisaha ay u qabaan ka faa’iideysiga fursadaha maalgashi iyo ganacsi ee Soomaaliya, gaar ahaan suuqyada soo koraya iyo mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda.
Ugu dambeyn, kulankan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah xoojinta xiriirka dhaqaale ee Soomaaliya iyo Talyaaniga, isla markaana albaab cusub u furaya iskaashi maalgashi oo labada dhinacba faa’iido u leh.