Madaxweynaha Soomaaliya oo booqasho kutegay Xarumo Ay Ereteriya Ka Fulineyso Mashaariic Horumarineed +sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeeray goobo ay Dowladda Ereteriya ka fulisay mashaariic horumarineed ayaa sheegay in shacabka iyo Dowladda Soomaaliya ay maanta taagan yihiin xilligii ay la jaanqaadi lahaayeen horumarka ka socda waddamada Geeska Afrika.

Madaxweynaha iyo Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee qeybta ka ah wafdigiisa ayaa booqday goobo laga hirgeliyey warshado, biyo-xireenno, beero iyo xarumaha tamarta ileyska cadceedda ee dhaliya korontada.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in kormeerka uu Madaxweynuhu ku tagay goobaha laga fuliyey mashaariicdaas ay ka tarjumayo muhiimadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay siinayso dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, horumarinta ganacsiga iyo wax-soo-saarka dalka.

“Ujeedka ugu weyn ee aan u kormeernay mashaariicdan ayaa ah inaan wax kala baranno oo aan eegno meelaha aan iskaashiga ka yeelan karno iyo dhinacyada ay ganacsatada labada dal maalgashi ku sameyn karaan sida wax soosaarka beeraha, ka faa’iideysiga ilaha kala duwan ee tamarta iyo warshadaha.”

Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la kulmay qaar kamid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee deggan dalkan, waxa uuna ka wareystay xaaladdooda nololeed, isagoona la wadaagay qaar ka mid ah qodobada miradhalka ah ee ka soo baxay wadahadallada u socda labada dal, kuwaasi oo ay ka mid tahay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay safaarad ka furan doonto dalka Ereteriya, taasi oo u adeegi doonta jaaliyadda.

Socdaalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa dalkan Ereteriya Mudane Isaias Afwerki ay ku tageen degmooyin ka baxsan magaalada Asmara waxaa ku weheliyey Wasiirro ka kala tirsan labada dowladood.