Madaxweynaha Soomaaliya oo booqday goob madadaalo, kuna dhiirrigeliyay dhalinyarada ka qeybqaadashada nabadda iyo horumarka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa caawa booqday mid ka mid ah goobaha nasiinada iyo madadaalada ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu kula caweeyay qaar ka mid ah bulshada ku nool caasimadda, gaar ahaan dhalinyaro isugu timid nasasho iyo is-dhexgal bulsho.

Madaxweynaha ayaa dhalinyarada uu la kulmay kala qeyb qaatay ciyaaro kala duwan oo ay ku madadaalaan, taas oo muujinaysa sida uu uga go’an yahay in uu xoojiyo xiriirka ka dhexeeya hoggaanka dalka iyo bulshada, gaar ahaan dhalinyarada oo ah tiirka mustaqbalka qaranka. Intii uu goobta ku sugnaa, Madaxweynaha ayaa si dhow ula sheekeystay dhalinyarada, dhageystayna aragtiyahooda, talooyinkooda iyo dareenkooda ku aaddan xaaladda guud ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyay dhalinyarada doorka wax-ku-oolka ah ee ay ka qaataan ilaalinta nabadgelyada, adkeynta is-dhexgalka bulshada, dib-u-dhiska dalka iyo horumarkiisa. Waxa uu xusay in ka qeybqaadashadooda nabadda iyo midnimada ay tahay tiir muhiim u ah dhismaha dowladnimo xooggan iyo bulsho wadajir ah.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dhalinyarada lagu dhiirrigeliyo ka qeybgalka arrimaha bulshada, madadaalada caafimaadka leh iyo wada noolaanshaha, isaga oo ballan qaaday in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii wadi doonto dadaallada lagu taageerayo dhalinyarada, laguna abuurayo fursado kor u qaada kartidooda, hibadooda iyo kaalintooda horumarineed.