Madaxweynaha Soomaaliya oo Dib Ugu Soo Laabtay Muqdisho Kadib Safarkii Itoobiya .

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib safar shaqo oo qaatay maalmo, kuna tagay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Intii uu safarka ku jiray, Madaxweynaha ayaa ka qeyb galay munaasabadda rasmiga ah ee lagu daahfurayey biyo xireenka weyn ee webiga Nile, halkaas oo uu ka jeediyey khudbad muhiim ah oo uu kaga hadlay khilaafka ka taagan biyo xireenka, iyo sida Dowladda Soomaaliya ay uga qeyb qaadan karto dadaallada lagu xallinayo.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ka qeyb galay shirweynihii labaad ee heer caalami ah ee looga hadlayey isbeddelka cimilada.