Madaxweynaha Soomaaliya oo furay Kalfadhiga 3-aad ee labada Gole

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa  maanta furay kalfadhiga 3-aad ee labada Aqal ee Baarlamaanla Soomaaliya.

Sida uu qabo Dastuurka Soomaaliya Madaxweynaha ayaa furaya kalfadhi kasta oo ay yeelanayaan Golayaasha Baarlamaanka Dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa halkaasi ka jeediyay Khudbad Ballaaran oo uu kaga hadlaayay Xaaladda Soomaaliya, isagoona sheegay in Muddadii yareyd ee ay jirtay Dowladda uu Madaxweynaha ka yahay in ay waxbadan qabteen.

Madaxweynaha oo ka hadlaayay dagaalka Al-Shabaab ayaa waxaa uu sheegay in jiraan hoggaamiyeyaal badan oo ka tirsan Shabaab, kuwaa soo isku soo dhiibay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Farmaajo oo ka hadlayay waxqabadda Xukuumadda ayaa sheegay in sare loo qaaday daqliga soo gala Soomaaliya, islamarkaana lagu guuleystay soo wareejinta maamulka Hawadda Soomaaliya.

Waxaa uu tilmaamay in dowladdiisa ay sidoo kale xoogga saartay la dagaalanka Musuqmaasuqa, islamarkaana ay sii wadi doonto