Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu wehlinayo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta kormeer ku tegay Xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Aljeeriya.
Intii uu kormeerka socday, Madaxweynaha ayaa la kulmay diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka howlgala Safaaradda, kuwaas oo uu hoggaaminayo Danjire Yuusuf Axmed Xasan. Diblumaasiyiintu waxay Madaxweynaha la wadaageen warbixin ku saabsan guulaha dublumaasiyadeed ee ay gaareen iyo xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya, tan iyo markii dib loo furay Safaaradda bilowgii sannadka 2025.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku boorriyey Safiirka iyo shaqaalaha Safaaradda in ay sii laba jibaaraan dadaalkooda, isla markaana ay xoogga saaraan adeegyada ay u qabtaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Aljeeriya. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku adkeeyey in ay door muuqda ka qaataan hirgelinta heshiisyada iskaashi ee dhawaan ay kala saxiixdeen labada dal, si loo adkeeyo xiriirka taariikhiga ah ee walaaltinimo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya.