Madaxweynaha Soomaaliya oo kulamo Kawada Dalka Masar.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa booqasho ku tagay xarunta Al-Azhar Al Sharif ee ku taalla magaalada Qaahira, halkaas oo uu kula kulmay Sheekh Axmed Maxamed El-Tayeb, Imaamka Al-Azhar. Kulankooda waxay diiradda ku saareen muhiimadda la dagaallanka fikradaha Al-Shabaab iyo xaaladda kumannaanka arday ee wax ka barta Jaamacadda Al-Azhar iyo xarumaheeda.

Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay sida Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta hirgelinta machadyada diiniga ah iyo xarumaha lagu la dagaallamo fikirka xagjirnimada. Waxa uu casuumaad u fidiyay Sheekh Axmed Al Tayib si uu u booqdo Soomaaliya, isagoo doonaya inuu indhihiisa ku arko horumarka iyo guulaha dowladnimada ee Soomaaliya.

Dhanka kale, Imaamka Al-Azhar Al Sharif, Sheekh Axmed Maxamed El-Tayeb, oo Madaxweynaha uga mahadceliyay booqashadiisa, ayaa aqbalay casuumadda. Waxa uu si adag u cambaareeyay faragelinta Itoobiya ku hayso madaxbannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo tilmaamay in loo baahan yahay in si wadajir ah loo difaaco wax kasta oo ku soo xadgudba.