Madaxweynaha soomaaliya oo kusii jeedda Brussels

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa kusii jeedda magaalada Brussels ee daka Belgium-ka.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Brussels waxaa ka fumri doona shir ku saabsan Arrimaha Soomaaliya oo ay ka qeyb gali doonaan AU, IGAD, EU, UN iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya.

Shirkaan ayaa sidoo kale lagu waddaa in ay ka qeyb galaan Madaxda maamul goboleedyadda.

Qodobadda Shirkaan diiradda lagu saari doona waxaa ka mid ah ammaanka, dhaqaalaha iyo dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab.