Magaalada Kismaayo, oo ah xarunta kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland, ayaa lagu wadaa inay gaarayaan diyaarado sida ciidamo ka tirsan ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Safarka Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu si rasmi ah uga bilowdo Kismaayo, halkaas oo ay ciidamadaasi amniga ka sugi doonaan, gaar ahaan Garoonka Diyaaradaha ilaa hoyga uu Madaxweynaha ka degayo magaalada.
Ilo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyay in ciidamadan ay yihiin qayb ka mid ah abaabul amni oo ballaaran oo la xiriira booqashada Madaxweynaha. Sidoo kale, mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo hordhac u ah wafdiga Madaxweynaha, ayaa iyaguna ku wajahan Kismaayo si ay u diyaariyaan soo dhaweynta rasmiga ah.
Warbixin uu dhawaan baahiyay warbaahinta Mustaqbal ayaa sheegtay in heshiis hordhac ah laga gaaray wada-hadal dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Heshiiskaas ayaa lagu balamay in si rasmi ah loo dhammaystiro marka uu Madaxweynaha Federaalka gaaro Kismaayo.
Inta lagu guda jiro booqashada, waxaa lagu wadaa in la saxiixo heshiis rasmi ah oo lagu soo afjarayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeyay labada dhinac, taasoo fure u noqon doonta jabtar cusub oo ku saleysan wadashaqeyn iyo is-aaminaad.