Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) General Michael E. Langley oo Soomaaliya ku yimid booqasho aan la shaacin.
Kulanka Madaxweyanha Soomaaliya iyo Taliyaha AFRICOM ayaa diiradda waxaa lagu saaray dadaallada iskaashi ee lagula dagaalamayo Al-Shabaab, xoojinta iskaashiga amniga wax soo saarka leh ee Soomaaliya iyo Mareykanka, iyo arrimaha kale ee amniga gobolka ee danaha labada dhinac ah, sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Villa Somalia.
Kulanka ayaa hoosta ka xariiqay sida ay uga go’an tahay Soomaaliya iyo Mareykanka inay gacmaha is-qabsadaan si wax looga qabto caqabadaha isa soo taraya ee khataraha argagixisadu ka geysanayaan gobolka. Sida lagu sii yiri warka ka soo baxay kulanka.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Taliyaha AFRICOM ayaa oddorasay dariiqooyin lagu xoojinayo laguna wanaajinayo iskaashiga hadda jira, iyadoo diiradda la saarayo xaqiijinta xasilloonida iyo amniga gudaha Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Bariga Afrika.