Madaxweynaha Soomaaliya Oo Shaqo Maalmeedkiisa U Wareejiyay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shaqo maalmeedkiisa u wareejiyay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho.

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo maanta ku sugan xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa halkaasi kulamo kula leh saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka oo halkaasi ku soo dhaweeyey.

Ujeedada ayaa ah sidii madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo uu u dhiiro gelin lahaa dardargelinta howlgalada military ee ka dhanka ah maleeshiyada Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa horey xafiis uga furtay xarunta Wasaaradda Difaaca Dalka,halkaasi oo dhowr jeer uu ku gutay shaqo maalmeedkiisa,waxaana tani ay qeyb ka tahay dadaalo lagu dhiiro gelinayo Cii