Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta munaasbadda Xornimmada iyo Midnimada 1-da Luulyo awgeed waxaa uu ubax dhigay taallada Daljirka Daahsoon ee Caasimadda Muqdisho.
Munaasabadda ubax dhigga waxaa qayb galay kummanaan shacabka ah iyo masuuliyiinta kala Duwan ee haya’addaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ugu dabeytiina’ Gabagabada xuska 63 guuurada maalmaha xoriyadda iyo midnimada ayaa galabta loogu ballansan yahay madal kale iyada oo Mogadishu Stadium lagu qabanayo isu soo bax uu shacabka Soomaaliyeed kula hadli doono madaxweynaha Jamhhuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu Khudbad ka jeedin doono.