Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta dhexe ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya. Ujeeddada kormeerka ayaa ahayd inuu uu ku ogaado howlaha socda iyo adeegyada casriga ah ee hay’addu bixiso.
Intii uu kormeerka socday, Madaxweynaha ayaa dhageystay warbixino ku saabsan Maamulka Hawada Soomaaliya iyo nidaamka cusub ee E-Visa, kuwaas oo qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo adeegyada socdaalka iyo xakamaynta xuduudaha dalka.
Warbixinnada waxaa soo jeediyay Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda, Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow, kuwaas oo faahfaahiyay qorshayaasha lagu casriyeynayo adeegyada iyo la dagaallanka tahriibka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ammaanay horumarka lagu sameeyay nidaamyada E-Visa iyo PISCES, kuwaas oo fududeynaya maamulka xuduudaha iyo aqoonsiga dadka iyadoo la adeegsanayo xogta biometric-ga.
Wuxuu ku booriyay shaqaalaha hay’adda inay sii xoojiyaan hufnaanta adeegyada, ilaalinta amniga, iyo sugidda xogta dadka soo galaya dalka, isagoo ku tilmaamay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda laf-dhabarta amniga iyo xuduudaha Soomaaliya.