Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kamid noqday madaxda ka qeybgalaysa aaska siyaasiga weyn ee Kenyan-ka ah, Raila Odinga, oo dhowaan ku geeriyooday dalka Hindiya, kaddib safar caafimaad.
Madaxweynaha waxaa wehliyay mas’uuliyiin ay kamid yihiin Danjiraha Soomaaliya ee Kenya iyo xubno ka tirsan lataliyeyaashiisa, iyadoo uu safar rasmi ah uga ambabaxay magaalada Muqdisho si uu uga qeyb galo munaasabadda aas-qaran ee Raila Odinga.
Muuqaal toos ah oo ay warbaahintu baahisay ayaa muujinayay Madaxweynaha Soomaaliya oo ka dhex muuqday madaxda caalamiga ah ee kasoo qeybgalay aaska, isagoo dul istaagay sanduuqa maydka Raila Odinga, isla markaana gacan qaaday mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Kenya.