Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qeybgalay munaasabadda rasmiga ah ee lagu daahfurayay biyo-xireenka weyn ee Itoobiya, Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD).
Munaasabaddan ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa madaxda sare ee dalalka gobolka, oo ay kamid yihiin Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Kenya William Ruto, iyo Madaxweynaha Koofurta Suudaan Mudane Salva Kiir Mayardit. Waxaa xafladda si rasmi ah u furay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.
Munaasabaddan ayaa ku soo beegantay xilli madaxdaasi ay ku sugan yihiin Itoobiya si ay uga qeybqaataan shir heer sare ah oo lagu gorfeeynayo isbeddelka cimilada, kaas oo diiradda lagu saarayo iskaashiga gobolka iyo xal u helidda caqabadaha deegaanka.
Biyo-xireenka GERD oo dhismihiisu socday muddo dheer, ayaa loo arkaa mid ka mid ah mashaariicda ugu waaweyn ee horumarineed ee Itoobiya ku tallaabsatay taariikhda dhow, inkasta oo uu la kulmay caqabado diblumaasiyadeed oo ka imaanayay dalalka Masar iyo Suudaan oo ay wadaagaan webiga Nile. Labadan dal ayaa walaac ka muujinayay saameynta uu mashruucani ku yeelan karo qulqulka biyaha ee ay helaan.
Ka qeybgalka Madaxweynaha Soomaaliya ee munaasabaddan ayaa muujinaya sida uu uga go’an yahay xiriir iskaashi iyo xasillooni ku dhisan oo la dhiso dalalka deriska ah, gaar ahaan marka ay timaado arrimaha deegaanka, horumarka iyo iskaashiga gobolka.