Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh oo kulan la Qaatay Dhigiisa Dalka Masar.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Masar ayaa munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday Madaxtooyada dalkaas, waxa uu kulan miro dhal ah kula qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi.
Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay amniga iyo istaraatiijadda Carbeed ee Badda Cas, xaaladda gobolka, dagaalka ka dhanka argagixisada iyo xoojinta iskaashiga faca-weyn ee ka dhexeeya Labada shacab ee walaalaha ah.
Kuanka gaarka ah ee Labada Madaxweyne kaddib, waxay wadajir u qabteen shir-saxaafadeed ay ku soo bandhigeen miro-dhalka wada-hadalkooda iyo aragtidooda ku aaddan xaaladaha ka taagan Gobolka, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu tilmaamay sida dowladda Soomaaliya ay ula kaashanayso xulafada , bahwadaagta iyo saaxiibbada caalamka sidii looga hortagi lahaa caqabad kasta oo ka dhan ah madaxbannaanida iyo midnimada dalkeenna.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in laga hortago caqabadaha ka dhan ah madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya. Sidoo kale, wuxuu xusay xiriirka walaaltinimo ee muddada dheer ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, isagoo tilmaamay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka diblumaasiyadeed, amni, iyo siyaasadeed.

Dhankiisa, Madaxweyne Cabdulfataax Al-siisi ayaa muujiyay taageerada Masar ee ku aaddan ilaalinta midnimada iyo amniga Soomaaliya, isaga oo adkeeyay mowqifka Masar ee ah in aan la aqbali karin xadgudubyada ka dhanka ah Soomaaliya. Waxa uu xusay in Masar ay diyaar u tahay inay difaacdo madaxbannaanida dalalka Carabta marka loo baahdo.

Labada madaxweyne ayaa sidoo kale isla soo qaaday horumarka Soomaaliya ee dhinacyada amniga, la dagaallanka argagixisada, iyo guulaha taariikhiga ah sida qaadista cunaqabatayntii hubka, deyn cafinta, iyo ku biirista suuqa dhaqaalaha bulshada Bariga Afrika.

Shirkan ayaa muujinaya sida labada dal uga go’an tahay inay sii xoojiyaan iskaashigooda iyo inay si wada jir ah uga shaqeeyaan danaha guud ee gobolka iyo kuwa caalamka.