Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo ku dhawaaqay go,aan ka dhan ah Dowlada Sweden.

Madaxwaynaha Jamhuuriyada turkiga Mudane Rajab Erdogan oo aad uga ka caraysan Kitaabkii quraanka ahaa ee lagu gubay Dalka Sweden ayaa wacad ku maray inaysan Turkigu marnaba ogolaanayn in sweden ay ku soo biirto gaashaanbuurta NATO.

Dowladda Turkiga ayaa si weyn u cambaareysay Falkii wuxushimada iyo Xagjirnimada xambaarsanaay ay dowladda Sweden ku oggolaatay in dibadbaxayaashu ay ku gubi karaan kitaabka Musxafka Qur’aanka, taasoo sii xoojisay xiisad ka dhex aloosan waddamada Turkiga iyo Sweden xilli Stockholm ay u baahan tahay taageerada Ankara si ay ugu biiraan NATO.

Sweden ayaa bilihii ugu dambeeyay si wayn u raadinaysay ku biirida Gaashaanbuurta Nato, si ay magan uga hesho duulaan uu ku soo qaado Ruushka, laakiin hadalka Erdogan ayaa ku noqday Sweden caqabad aysan ka gudbi karin

Dibadbaxa lagu gubay kitaabka Quraanka oo Sabtidii ka dhacay banaanka safaaradda Turkey ee caasimadda Sweden, ayaa waxaa hoggaaminayey Rasmus Paludan oo u dhashay dalka Denmark balse sidoo kale haysta dhalashada Sweden, kaasi oo ah nin Islaamka iyo soo-galootiga neceb.

  Si uu dal ugu soo biiro gaashaanbuurta Nato waxaa khasab ah in dhamaan dalalka xubnaha ka ah ay aqbalaan codsiga dalkaasi, taasoo ka dhigan in sweden aysan ku biiri karin Nato ilaa uu ogolaado turkigu.