Madaxweynayaal hore Oo tegaya Kismaanyo

Maanta oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in Magalada Kisamayo ee Gobolka Jubbada Hoose ay tagaan Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed & Xasan Sheekh Maxamuud.

U jeedada safarkooda ayaa ah sidii ay uag qeyb-geli lahaayeen Xaflada Caleema saarka Axmed Maxamed Islaam oo Baarlamaanka Maamulkaas ay markale u doorteen Madaxweynaha Jubbaland.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd ayaa Bishaan lagu xayiray Garoonka Muqdisho xilli uu doonayay in uu u dhoofo Kismaayo,taas oo xiisad siyaasadeed abuurtay.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marka hore tegi doona Kismaayo,iyada oo isla maanta uu Muqdisho ka ambabixi doono Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya.

Magalada Kismaayo Wararka naga soo gaaraya ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi ay ka socoto qaban qaabada soo dhawyenta wufuuda kala duwan ee ka qeyb-galeysa Xaflada Caleema saarka oo uu kamid yahay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo Goordhow ka duulay Garoowe.