Madaxweynayaasha Dowlad goboleedyada oo lagu soo dhoweeyay Baydhabo

Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyadda Puntland, Galmudug, Jubbaland iyo Hirshabeelle ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo ayaa waxaa nagu soo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Wasiiro, Xildhibaano iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxda Galmudug iyo Puntland ayaa diyaarad qaas ka soo qaaday magaalooyinka Garowe iyo Dhuusamareeb ayaa noqday Madaxdii u horeeyay oo ka socda dowlad goboleedyada oo ka dega Baydhabo.

Sidoo kale waxaa magaalada Baydhabo gaaray Madaxweynayaasha maamulada Jubbaland iyo Hirshabeelle, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Maxamed Cabdi Waare.

Baydhabo ayaa waxaa lagu wadaa maanta gelinka dambe inuu ka furmo Shirka amniga Qaranka oo ay ka qayb galayaan madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboledyada dalka ka jira.