Madaxweynayaasha maamulada Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle oo Gaaray Muqdisho

Waxaa maanta Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka soo degtay Diyaarad siday Madaxweynayaasha maamulada Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Maxamed Cabdi Waare.

Madaxdan ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay Wasiiro, Xildhibaan ka tirsan dowladda federaalka, Saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale, waxayna ka yimaadeen magaalada Nairobi oo maalmihii dambe ay ku sugnaayeen.

Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Hirshabeelle ayaa inoo sheegay inta uu Madaxeyne Waare ku sugnaa magaalada Nairobi in uu kulamo la soo qaatay qaar ka mid ah Hay’adaha caalamiga ah ee daneeya arrimaha Soomaaliya, wuxuuna kala hadlay arrimo ku aadan horumarinta Hirshabeelle.

Madaxdan ayaa la sheegay in ay u gudbi doonaan magaalada Baydhabo halkaas oo todobaadka soo socda uu ka dhici doono shirka Golaha Amniga Qaranka oo ay ka qeyb galayaan Madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah Koonfur Galbeed ayaa waxaa hada laga dareemayaa diyaar garowga ku aadan shirkan, waxaana shirkan la filayaa in ay ka soo baxaan qodobo badan oo la xiriira dhanka amniga.