Madaxweynaha dalka Nigeria Muhammadu Buhari ayaa sheegay inuu waji gabax kala kulmay hay’adaha sirdoonka dalkaas, kaddib weerarkii lagu qaaday xabsiga Kuje ee magaalada Abuja habeenkii talaadada.
Madaxweynaha ayaa hadalkan sheegay mar uu Arbacadii shalay ahayd booqday xabsiga, sida lagu sheegay qoraal uu soo saaray afhayeenkiisa Malam Garba Shehu.
“Hay’adaha sirdoonku way i ceebeeyeen, sidee argagixisadu u diyaar garoobi kartaa, oo hubka u qaadan kartaa si ay u weeraraan bar-koontarool oo ay u baxsadaan?” Waa su’aalihii uu ku canaantay ciidamada asluubta ee xabsigaasi ka shaqeeya.
Madaxweynaha ayaa jeelka joogay ku dhowaad 30 daqiiqo, wuxuuna su’aalo dhowr ah weydiiyay maamulka iyo ciidamada xabsiga.
“Sidee ayay ciidamadu asluubtu ugu fashilmeen in ay joojiyaan weerarka? Imisa maxbuus ayaa ku jirta? Imisa ayaa la raadin karaa? Imisa askari ayaa shaqada ku jiray xilliga uu falku dhacayay? Imisa ayaa sitay hub? Waa su’aalihii uu ku boobay madaxweyne Buhuri ciidamada iyo madaxdooda.
Isagoo u muuqday inuu ka careysan yahay weerarka kooxaha hubeysan ay ku qaadeen jeelka ayuu sii waday su’aalo waydiinta la xiriirta sida ay wax u dhaceen. “Ilaalada xabsigu miyay fuuleen taawarka? Kaamarada ammaanku miyay shaqaynaysaa?”
Madaxweynaha ayaa markii dambe sheegay in loo baahan yahay in warbixin laga siiyo sida ay wax u dhaceen oo faah-faahsan.